Saddexda Xiddig Ee Sababta U Ah Qaab Ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Bruno Fernandes Oo La Kashifay.


Xiddigii hore ee kooxda chelsea Frank Lebeuf ayaa magacaabay 3 xiddig oo Kooxda Man United ah kuwaas oo ka dambeeya qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu ku jiro xiddiga Bruno Fernandes tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Bruno Fernandes Ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Man United xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa Man United ku soo biiray suuqii January 2020 waxana uu si deg-deg ah u noqday xiddiga ugu fiican kooxda Man United.

Leboeuf ayaa ku faraxsnaaa in uu xiddiga reer Portugal qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo kulankii Europa League.

Si kasta ha ahaatee waxa uu sheegay in xiddigaha Scott McTominay, Fred iyo Kabtanka Man United ee Harry Maguire sabab u yihiin in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

“Bruno waxa uu kulankii Real Sociedad soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah”ayuu Leboeuf u sheegay ESPN.

“Kulankii Real Sociedad waxa uu ahaa kulan weyn waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah”.

“Laakiin waa in aan ogaano in qaab ciyaareedkiisa fiican xilli ciyaareedkan sabab u yihiin xiddigaha labada xiddig ee khadka dhexe Fred & McTominay sidoo kale kabtanka kooxda ee Maguire”.

“La’aanta 3-daas xiddig muu qabteen shaqada uu Bruno Fernandes haatan qabanayo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE