Schalke Oo Si Aad Ah U Doonaysa In Ay Liverpool Si Toos Ah Ula Wareegto Ozan Kabak, Sabab.

Schalke Oo Si Aad Ah U Doonaysa In Ay Liverpool Si Toos Ah Ula Wareegto Ozan Kabak, Sabab.


Kooxda Schalke ayaa lagu soo waramayaa in ay si aad ah u doonayso in ay Liverpool si toos ah ula wareegto xiddiga Ozan Kabak marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa Reds qaab amaah ah ugu soo biiray suuqii January waxana uu saftay 2 kulan oo tartamada oo dhan ah ilaa haatan.

Sida ay haatan wax yihiin Kabak ayaa ku laaban kara Schalke xagaaga laakiin Liverpool ayaa la rumaysanyahay in ay dookh u haystaan in ay si tos ah ula wareegaan.

Wargayska Fussball ayaa sheegaya in ay kooxda Schalke qorshaynayso Nolosha heerka 2-aad ee Bundesliga maadama ay ku jiraan kaalinta ugu hoosaysa horyaalka Bundesliga iyaga oo 9 dhibcood ka heleen 21 dhibcood.

Wararka ayaa sheegaya in Schalke ay ku rajo weyntahay in in xaalada dhaqaale xumo ay kaga badbaado iibinta Kabak ee kooxda Liverpool xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE