Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Liverpool Vs Everton Ka Hor Kulankooda Caawa

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Liverpool Vs Everton Ka Hor Kulankooda Caawa


Markii ugu horaysay muddo 16 sano ah kooxaha Merseyside ayaa u tartamaya boos tartamada yurub ah gaar ahaan tartanka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa wakhti adag ku jirta iyaga oo 3 guuldaro oo xidhiidh ah la kulmay haatana ku jira kaalinta 6-aad ee kala saraynta Premier League.

Dhanka kale Kooxda Everton ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan iyaga oo u tartamaya boosaska champions League.

Hadaba ka hor kulanka Merseyside Derby Wargayska Daily Mail ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in shaxda laga waayay xiddiga Liverpool ee Sadio Mane kaa soo booskiisa u waayay xiddiga Calvert-LewiN.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay Everton ku leedahay 4 xiddig oo kaliya.


Source: laacibfm.com

SHARE