Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Everton

Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Everton


Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda ay jaarka yihiin ee Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan ka dhici doona Anfield.

Tababare Kopp ayaa xaqiijiyay in ayna wax dhaawacyo cusub ah soo gaadhin kooxdiisa ka hor kulanka waxana uu haystaa xiddigihii uu ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyay.

Sidoo kale Klopp ayaan haysan xiddigo uu is badal ugu sameeyo shaxdiisa uguna nasiyo xiddigaha sida joogtada ah ugu ciyaara kooxda.

Xiddigihii dhaawaca uga maqnaa ayaa wali kooxda ka maqnaan doona marka laga reebo Naby Kieta ayaa ku soo laaban doona kooxda kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac wakhti dheer ah.

Xiddiga Jordan Henderson ayaa la filayaa in uu kasii ciyaaro daafaca dhexe xilli Kabak kula bilaaban doono daafaca dhexe.


Source: laacibfm.com

SHARE