Thomas Tuchel Oo Isha Ku Haya Rikoodh Uu Carlo Ancelotti Ka Dhigay Chelsea Kulanka Southampton.


Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 25-aad kulan ka dhici doona garoonka St Mary’s Stadium.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa isha ku haya in uu noqdo tababarihii ugu horeeyay ee chelsea hogaamiya tan ilaa Carlo Ancelotti guul gaadha 3-diisa kulan ee ugu horeeya premeir league ee martida ah.

Chelsea ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jirtay tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday iyaga oo guul gaadhay 5 kulan oo ka tirsan 6 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Blues ayaa garaacday kooxaha Tottenham iyo Sheffield United labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Hadii ay chelsea galabta garaacdo kooxda Southampton waxa uu Thomas Tuchel noqon doonaa tababarihii ugu horeeyay ee badiya 3-diisi kulan ee ugu horeeyay ee martida tan ilaa Ancelotti oo sidaas sameeyay sanadkii 2009.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo garaacay kooxaha Newcastle United kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE