Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Hudson-Odoi Inkasta Oo Uu Bada Ku Soo Galay Qaybtii Dambe.


Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay sababtii uu badalka ugu sameeyay xiddiga Callum Hudson-Odoi kulankii Southampton.

Xiddiga Callum Hudson-Odoi ayaa badal ku soo galay bilowgii qaybta dambe iyada oo lagu badalay xiddiga Tammy Abraham kaas oo dhaawac uga baxay kulanka.

Laakiin Tababare Thomas Tuchel ayaa Callum Hudson-Odoi ciyaarta ka saaray daqiiqadii 76-aad isaga oo ku badalay xiddiga Hakim Ziyech.

Kadib dhamaadka ciyaarta ayaa tababare Wax laga waydiiyay sababtii uu badalka ugu sameeyay xiddiga Callum Hudson-Odoi Ka hor inta ayna dhamaan ciyaartu.

Tababare Tuchel ayaa ku jawaabay”Waxa aan doonaynay in aanu si fiican uga hor tagno kubadaha weerarka rogaal celiska ah laaiin waxa aan dareemay in uuna Callum Hudson-Odoi qabanayn shaqadaas laakiin wali waan ku kalsoonahay”.

“Kuma faraxsanayn shaqadiisa iyo qaab ciyaareedkiisa marka laga hor tagayo kubadaha weerarka rogaal celiska ah”.


Source: laacibfm.com

SHARE