Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Everton Garaacday Liverpool.

Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Everton Garaacday Liverpool.


Kooxda Liverpool ayaa sii wada guuldarooyinka horyaalka Premier league kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Everton kulan ka dhacay Anfield.

Guuldaro 2/0 ah ayaa dusha loo saaray kooxda Liverpool kulan ay maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatoodeen in ay wax gool ah dhaliyaan.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka ay Liverpool la kulantay guuldarada.

1.Goolkii Richarlison ee Everton ayaa ah goolka 2-aad ee ugu deg-dega badan ee Premier League laga dhaliyay kooxda Liverpool kadib markii daqiiqadii ugu horaysay laga dhaliyay kulan ay ciyaartay sanadkii 1999.

2.xiddiga Richarlison ayaa noqday xiddigii 3-aad ee Everton ah ee Anfield gool ku dhaliya laba kulan oo xidhiidh ah kadib xiddigaha Tim Cahil iyo Kevin Campbell.

3.Kulanka ayaa noqday midkii ugu horeeyay 21 kulan oo premier League ah oo ay Everton goolka furitaanka ka dhalisay Liverpool markii ugu dambeeyay ee ay sidaas sameeyeen waxa ay ahayd 2010.

4.Kulankan ayaa ah midkii 2-aad ee ay Everton hogaaminaysay Liverpool qaybta hore ee ciyaarta taariikhda Premier League kulan ka dhacay marka kale ee ay sidaas samaysay ayaa ahayd 1999.

5.Kooxda Liverpool ayaa laga badiyay 4 kulan oo xidhiidh garoonkeeda Anfield markii ugu horaysay tan ilaa December 1923, halka ay sidoo kale tahay markii ugu horaysay ee ay koox difaacanaysa horyaalka garoonkeeda lagu garaaco kulan oo xidhiidh ah tan ilaa 1929.

6.Kooxda Everton ayaa markii ugu horaysay ka badisay Liverpool kulan ka dhacay Anfield tan ilaa bishii September 1999.


Source: laacibfm.com

SHARE