Barcelona Oo Diyaarsatay Liis 5 Weeraryahan Oo Ay Xagaaga U Dhaqaaqi Doonto.


Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in a diyaarsatay 5 xiddig oo weerarka ka ciyaara oo ay u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa iska fasaxday Luis Suarez xagaagii kooxda ayaana ku dhibaatoonaysa dhanka weerarka kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Kooxda Barcelona diyaarsatay Liis ay ku jiraan 5 weeraryahan kuwaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda.

Waxa ugu horeeya Liiska xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland kaas oo si weyn loola xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda Borussia xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay sidoo kale Liiska ku jiraan xiddigaha kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku iyo Lautaro Martinez Kuwaas oo wacdaro ka dhigaya Inter.

Sidoo kale waxa Liiska ku jira xiddiga Lyon ee Memphis Depay iyo xiddiga Man City ee Sergio Aguero kuwaas oo dhankooda lala xidhiidhinayay Barcelona muddo bilo ah.


Source: laacibfm.com

SHARE