Barcelona Oo Wakhtigii Geerida Bar-Baro Lagu Qabtay, Cadiz Ayay Dhaafi Waayeen.

Barcelona Oo Wakhtigii Geerida Bar-Baro Lagu Qabtay, Cadiz Ayay Dhaafi Waayeen.


Kooxda Barcelona ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Cadiz kulan ay Barcelona si waali ah u maamulaysay ciyaarta oo dhan.


Qaybta Hore:

Barcelona ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal.

Dhanka kale kooxda Cadiz ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo dhawr jeer halis galiyay kooxda Barcelona.

Xiddigaha Barcelona ayaa helay fursado waaweyn oo goolal laga dhalin karo laakiin waxa ay u muuqatay in uu nasiibku ka maqnaa marar badan oo ay goolka la hor tageen kubada.

Daqiiqadii 32-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddigooda Lionel Messi kaas oo rikoodhe gool u badalay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican waliba dhalin kartay in ka badan halka gool ee ay dhalisay.


Qaybta dambe:

Kooxda Cadiz ayaa si dar-dar leh ku bilaaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay iska soo badaan goolka ay Barcelona ku hor martay.

Laakiin Kooxda Barcelona ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo Cadiz u diiday in ay wax gool ah ka dhaliyaan.

Xilli ay kooxda Barcelona raadinaysay goolka ay ciyaarta ku dilayaan ayay Cadiz si lama filaan ah u dhalisay goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 88-aad ayuu daafaca Clément Lenglet khalad weyn ku galay dilinta ganaaxo kadib markii uu khalad ku galay xiddiga Cadiz ah waxana la dhigay Rikoodhe.

Xiddiga Alex Fernandez ayaa daqiiqadii 89-aad gool u badalay rikoodhada loo dhigay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku fashilantay in ay guul ka gaadho kooxda xilli ciyaareedkan u soo dalacday ee Cadiz.


Source: laacibfm.com

SHARE