David De Gea Mise Dean Henderson? Solskjaer Oo Iska Iibinaya Mid Ka Mid Ah Goolhayaashiisa

David De Gea Mise Dean Henderson? Solskjaer Oo Iska Iibinaya Mid Ka Mid Ah Goolhayaashiisa


Wargayska The Sun ayaa shaaca ka qaaday lama filaan weyn oo ku saabsan rabitaanka Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Guunar Solskjaer ku doonayo in uu midkood iska fasaxo labadiisa Goolhaye ee Dean Henderson & David De Gea Suuqa xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Man United iska fasixi doonto midkood labada Goolhaye dhamaadka xilli ciyaareedkanwaliba soo dalici doonaan Goolhaye da’yar ah kaas oo ku faraxsanaan doona in uu kaydka u fadhiyo Goolhayaha 1-aad ee kooxda.

Labada Goolhaye ee De Gea iyo Henderson ayaa ku dagaalamaya booska 1-aad ee Goolka kooxda Barcelona waxana ay labadooduba ku jiraan.

wargayska ayaa sheegaya in ay dhibaato weyn ka jirto booska goolka maadama uuna labada Goolhaye midkoodna ogolayn in uu mid kale kaydka u fadhiyo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in suurtagalnimada haatan dhici karta tahay in uu Dean Henderson si toos ah uga tago kooxda xagaaga maadama uuna doonayn in uu kaydka u fadhiyo De Gea.


Source: laacibfm.com

SHARE