Inter Milan Oo Garaacday Ac Milan Siina Dheeraystay Hogaanka Serie A-da & Lukaku Oo Wacdaro Dhigay.


Kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Ac Milan kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab ay Inter Milan maamulayso ciyaarta iyada oo bilowga ciyaartaba muuqatay in ayna maalintii Ac Milan ahayn.

Daqiiqadii 5-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo gool u badalay madax cajiib ah oo uu Romelu Lukaku u saaray.

Inter Milan ayaa heshay fursado deg-deg ah oo ay ku dili kartay ciyaarta laakiin waxa ay ka faa’iidaysan wayday fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Inter Milan wax walba ku fiicnayd kana awood badnayd kooxda ay jaarka yihiin.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Ac Milan si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado deg-deg ah oo ay goolal ku dhalin kareen laakiin uma suurtagalin in ay kubada shabqa dhex dhigaan.

Daqiiqadii 57-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu xiddiga Lautaro Martinez mar kale dhaliyay goolkiisii 2-aad ee shaqsiga.

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa daqiqiadii 66-aad qaab ciyaareedkiisa ku helay gool kadib markii uu dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Handanovic ayaa mucjiso ku noqday kooxda Ac Milan isaga oo ka hor istaagay fursado cajiib ah oo ay goolal ka dhalin kareen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan 4 dhibcood oo cadaan ah ku qabatay hogaanka horyaalka Serie A-da.


Source: laacibfm.com

SHARE