Kulanka Man United Caawa La Ciyaarayso Newcastle United Oo Khatar Ugu Jira In La Kansalo, Sabab.

Kulanka Man United caawa la ciyaarayso Newcastle United ayaa khatar ugu jira in la kansalo sabab la xidhiidha xanuunka Korona sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Steve Bate ayaa sheegaya in uu xanuunka Korona ka dilaacay saacado ka hor kulanka ay United marti galin doonto kooxda Newcastle.

Laakiin saxafiga ayaa sheegaya in wax walba u socdaan sidii loo qaban lahaa kulanka caawa ee horyaalka premier League.

Xiddigaha iyo shaqaalaha tababaraha Man United ee laga helay xanuunka ayaan wali la xaqiijin Inkasta oo la filayo in ay kooxdu warbixin ka soo saarto xaalada.


Source: laacibfm.com

SHARE