Lionel Messi Oo Soo Qabtay Luis Suarez Gool Dhalinta Horyaalka La Liga.


Goolkii Rikoodhada ahaa ee uu Lionel Messi ka dhaliyay kooxda Cadiz ayaa ka caawiyay in uu la bar-baro noqdo xiddiga Atletico Madrid ee Luis Suarez gool dhalinta horyaalka La Liga.

Labada xiddig ee iska garab ciyaarayay xilli ciyaareedkii hore ayaa haatan wada dhaliyay 16 gool iyada oo uu Messi haatan hogaaminayo gool dhalinta maadama uu ku dambeeyay goolka.

Messi ayaa soo qabtay xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen kadib markii uu gool dhaliyay 6 kulan oo xidhiidh ah waliba min 2 gool ka dhaliyay kooxaha Athletic Bilbao, Granada iyo Alaves.

Xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa ugu cad-cad in uu midkood ku guulaysto gool dhalinta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE