Man City Oo Guul Adag Ka Soo Gaartay Arsenal, Raheem Ayaa Looga Mahad Celinayaa

Man City Oo Guul Adag Ka Soo Gaartay Arsenal, Raheem Ayaa Looga Mahad Celinayaa


Man City ayaa guul adag ka soo gaarray Arsenal kuwaasi oo soo bandhigay ciyaar aan xaraarad laheyd waxa ayna uga soo talaabsadeen hal gool oo nadiif ah .

Man City ayaa Arsenal nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid biloowgii ciyaarta gaar ahaan daqiiqaddii 2-aad waxaana dhaliyay Raheem ka dib qalad dhanka daafaca ah

City inkastoo kubadda ku badneyd qeybtaas hore hadana ma helin fursad ah in ay toos ugu tagaan goosha Arsenal oo daafac iyo goolhayaha kooxda Arteta ayaa bad baada sameynayay .

Qeybtaas hore mararka qaar heerka kubad hayshada City waxa ay gaareysay %71 waxaana wiilasha Arteta lagu dilay baasas gaagaban .

Arsenal waxa ay ka sheeganeysay in kubadda durba ay cagtooda ka baxeysay waana midda keentay in City kubadda maamushaan .

Qeybta labaad , City cadaadis iyo kubad haysasho ayay ku dileen Arsenal balse waxaa foojignaa goolhayaha oo kubado xaqiiq ahaa ka hor taagnaa wiilasha Pep.

City xittaa qeybta labaad kubad hayashada waa ay kaga sareeyeen Arsenal waxa ayna dhankooda ka sheeganayeen in kubadda ay durba ka dhimaneysay marka afka hore ay gaarsiiyaan, waxa uuna badalkii ugu horeeyay kulanka yimid daqiiqadii 63-aad xiligaas oo ay City ku soo giliyeen Gabriel Jesus oo loo saaray Kevin De Bruyne

Arsenal waxa ay ka sheeganayeen in go`aano deg deg ah ay qaadanayeen mjarka kubadda cagtooda soo gasho waxa ayna taasi ka hor istaagay in si dhab ah u gilis giliyaan goosha City

City dhamaadkii waxa ay qasaarinayeen fursado xaqiiq ah oo u muuqday kuwo ay ka qoomameyn doonaan marka loo eego Arsenal oo ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah .

Arsenal dhamaadkii isku dayo kala duwan ayay sameynayeen balse daafaca City ayaa aad u wacnaa, waxa ayna ciyaata ku dhamaatay halkaas gool ee City ku badisay.


Source: laacibfm.com

SHARE