Man City Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Guulaha Kulamada Martida Ah Kulanka Arsenal Ee Caawa.

Man City Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Guulaha Kulamada Martida Ah Kulanka Arsenal Ee Caawa.


Kooxda Man City ayaa isha ku haysa in ay bar-barayso rikoodh guulaha kulmada martida ah marka ay la ciyaari doonto Arsenal.

Kooxda Pep Guardiola ayaa haatanba dhaaftay rikoodh ay Arsenal horay uga dhigtay Premier League taas oo ah guulaha xidhiidhka ah ee tartamada oo dhan.

Iyada oo guuldaradii 2/0 ahayd ee Semi-final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore tahay guuldarada kaliya ee ka soo gaadhay Arsenal 10-kii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo ka badiyay 10 kulan ee kale guul ay gaadho ayaa sidoo kale kooxda Pep Guardiola ka caawin karta in ay gaadhaan guushii 18-aad ee tartamada oo dhan.

Hadii ay Man City caawa garaacdo Arsenal waxa ay noqon doontaa kulankii 11-aad ee ay Arsenal ku garaacdo garoonkeeda Emirates waxana ay bar-barayn doontaa rikoodhka oo ay horay u dhigtay intii u dhexaysay May iyo November 2017.

Kooxda Man City ayaa haatanba 4/1 ku garaacday Arsenal Emirates kulan ka tirsanaa tartanka Caraboa cup-ka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE