Man United Oo Dajisatay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Erling Braut Haaland


Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay xagaaga u dhaqaaqdo xiddiga Borussia Dortmund Erling Braut Haaland.

20 jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah weeraryahanada da’da yar ee ugu fiican kubada cagta adduunka, waxaana uu mar kale ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan, isagoo shabaqa soo taabtay 27 jeer 25 kulan oo uu saftay.

Kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Chelsea, Real Madrid, Manchester City iyo Barcelona ayaa la sheegayaa inay ka go’an tahay inay la soo saxiixdaan xiddiga reer Norway kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 68 milyan oo euro xagaaga.

Xaalada dhaqaale xum ee Dortmund ayaa keeni karta in ay iska iibiso Haaland xagaaga iyada oo kooxda reer Germany wajahayso suurtagalnimo ay kaga hadhi karto champions league xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man United ayaa si xoogan loola xiriirinayay da ‘yarka ka hor inta uusan u dhaqaaqin Signal Iduna Park suuqii January 2020.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Man United qorsheyneyso in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE