Man United Oo Si Xarago Leh Ku Dhaaftay Newcastle United

Man United Oo Si Xarago Leh Ku Dhaaftay Newcastle United


Kooxda Man United ayaa garaacday kooxda Newcastle United Kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsan premier League.


Qaybta Hore:

Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal Wakhti hore ah ciyaartana dhankooda ugu badiyaan.

Kooxda Newcastle ayaa dhankeeda iska caabin kala hor tagtay kooxda Man United iyaga oo dhankooda qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 30-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Newcastle United ayaan ka samrin in ay bar-barayso waxana ay raadinayeen goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Newcastle ayaa daqiiqadii 36-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Allan Saint-Maximin kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro ku yihiin xilli ay Man United maamulaysay ciyaarta.


Qaybta Dambe:

Kooxda Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo ay ka go’antahay in ay guul ka gaadhaan kulanka.

Daqiiqadii 57-aad ayay Red Devils heshay goolka 2-aad waxana si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Daniel James kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Newcastle ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta mar kale laakiin waxa ay awoodi wayeen in ay United goolal ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 75-aad ayay man United dhalisay goolka 3-aad ee ay ciyaarta hurdada ugu dirtay waxana rikoodhe gool u badalay xiddiga Burno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United si qurux badan u gaadhay guul ay u qalmeen.


Source: laacibfm.com

SHARE