Marcos Alonso Oo Heshiis Cusub Ka Doonaya Chelsea & Hal Arin Oo Sabab U Ah.


Xiddiga Marcos Alonso ayaa kooxda chelsea ka doonaya in ay heshiis cusub u soo bandhigto kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu ku soo bandhigay tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.

Xiddiga reer Spain ayaa dib u helay booskiisa kadib markii uu Tuchel yimid kooxda isaga oo booska daafaca Bidix kala baxay xiddiga 50 milyan ugu fadhiya chelsea ee Ben Chilwell.

Heshiiska Alonso ayaa dhici doona xagaaga 2023 laakiin wargayska The Sun ayaa doonaya in uu xiddigu doonayo in uu ugu yaraan hal sano oo kale u saxiixo kooxda.

Alonson ayaa si joogto ah ugu ciyaara kooxda chelsea isaga oo ciyaaray 5 ka mid ah 7-da kulan ee uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda chelsea.

Xiddiga reer Spain ayaa haysta kalsoonida tababare Thomas Tuchel taas oo keentay in uu dalbado heshiis cusub oo uu kooxda u saxiixo.


Source: laacibfm.com

SHARE