Mason Mount Oo Kashifay Sababtii Uu Isagu U Laagtay Rikoodhadii Chelsea Kulankii Southampton.

Mason Mount Oo Kashifay Sababtii Uu Isagu U Laagtay Rikoodhadii Chelsea Kulankii Southampton.


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Mason Maunt ayaa sheegay sababtii uu isagu u laagtay rikoodhadii kooxdiisa loo dhigay kulankii Southampton.

Chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Southampton kulan ay chelsea ku bar-baraysay rikoodhe loo dhigay kooxda khaladna lagu galay xiddiga Mason Mount.

Mason Maunt oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Tammy ayaa ahaa xiddigii laadan lahaa laakiin waxa uu ka baxay ciyaarta kadib markii uu dhaawacmay sidaas darteed aniga ama Timo ayaa hadhay”.

“Tababaruhu waxa uu sheegay in qof kalsooni qaba in uu laagto rikoodhada”.

“Waxa aan khasaariyay rikoodhadii kulankii Tottenham ee Carabao cup-ka sidaas darteed waxa aan doonayay in aan soco khaladkaas waliba aan gool dhaliyo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE