Real Madrid Oo Ku Sii Dhawaanaysa Atletico Madrid Xilli Madrid Derby Afka Inagu Soo Hayo, Imisa Dhibcood Ayaa U Dhexeeya.


Kooxda Real Madrid ayaa rajo ka heshay difaacashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Real Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa ku soo laabatay tartanka horyaalka kadib markii ay horay u macasalaameeyeen fursad walba oo ay ugu guulaysan karaan.

Kooxda Real Madrid ayaa haatan kaliya 3 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Atletico Madrid kadib guushii Real Valladolid.

Labada kooxood ee jaarka ah oo haatan 3 dhibcood kala dambeeya ayaa 7 bisha March isaga hor iman doona kulanka Madrid Derby ee horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE