Ronald Koeman ” Hal Qalad Ayaan Sameynay Kulankii Cadez , Mana Eedeynayo Ciyaartooydeyda”

Ronald Koeman ” Hal Qalad Ayaan Sameynay Kulankii Cadez , Mana Eedeynayo Ciyaartooydeyda”


Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaki keenay sax ahaanshaha rigooradii kooxdiisa lagu bar bareeyay kulankii Cadez .

Kulankaas Camp ka dhacay ayaa ka tirsanaa wareegga 24-aad ee La ligaha waxa ayna kooxda martida heshay rigooradaas daqiiqaddii 89-aad

Mar macalinka la weydiiyay qaladkii  Lenglet uu galay ee uu rigoorada ku keenay waxa uu yiri ” ma jecli in aan dhaleeceeyo ciyaartooyda , koox isku xeran ayaan nahay , ciyaarta waan maamulnay balse daafac adag ayaa ina qaabilay balse dhanka weerarka sidii la rabay ma aheyn”.

Wargeysa Marca ayuu macalinka yiri ” in aan bahallo ku noqonno ayay aheyd dhanka goosha balse taasi ma dhicin”.

Ronald Koeman ayaa ka hadlay rigooradiiu lagu bar bareeyay” qalad muuqda ma jirrin , ma aqaan waxa uu sameeyay  Lenglet “.

Waxa uu macalinka tilmaamay in ay qasarinayeen fursad dhanka hogaanka horyaalka ay ugu dhawaan lahaayeen balse haatan ay diiradda saarayaan kulanaka dambe


Source: laacibfm.com

SHARE