Thomas Tuchel Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Callum Hudson-Odoi Kadib Dhacdadii Southampton & Laba Saxiix Oo Uu U Isticmaali Doono Xagaaga.


Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aamiyay in uu iska iibiyo xiddiga Callum Hudson-Odoi marka uu dhamaado suuqa xagaaga.

Tababare Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu xiddiga Callum Hudson-Odoi u adeegsado ku soo xeor galinta xiddigaha Jadon Sancho & Erling Haaland Sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatooday kulankii Southampton waxana uu kaliya ciyaaray 30 daqiiqo ka hor intii aan badal 2-aad lagu samayn.

Tababare Thomas Tuchel ayaa si aad ah u doonaya in uu xagaaga la soo saxiixdo xiddigaha kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho & Erling Haaland.

Wargayska Sunday World ayaa sheegaya in uu tababaraha chelea ee Thomas Tuchel diyaar u yahay in uu xiddiga Callum Hudson-Odoi u adeegsado is badalasho ay ku hesho saxiixyada xiddigaha Sancho iyo Haaland.


Source: laacibfm.com

SHARE