“Waxa Aan Ka Daalay Marmarsiyohooda”:-Jamie Carragher Oo Weerar Culus Ku Qaaday Liverpool Kadib Guuldaradii Everton.


Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa weerar culus ku qaaday kooxdiisii hore ee Liverpool kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ay kala kulmeen kooxda Everton kana tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee xilli ciyaareedkan iyaga oo kulankii 4-aad oo xidhiidh ah looga badiyay garoonkeeda Anfield.

Jamie Carragher oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Liverpool waxa ay ahayd mid diciif ah wayna u qalmeen wixii ku dhacay”..

“Ma sii wadi karaan mar-marsiyaha dhaaca Van Dijk waanan ka daalay marmarsiyohooda”.

“Weerarka ayaa ka xun dhanka daafaca waxana ay si weyn waxana ay si weyn u maamulayaan kulanka laakiin wax fursado waaweyn ah ma samayn”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE