Zidane Oo Qiimeeyay Fursadaha Karim Benzema Ku Ciyaari Karo Kulanka Atalanta.


Kooxda Real Madrid ayay u badantahay in ay kulanka Atalanta ee Champions League ciyaari doonto la’aanta xiddigeeda Karim Benzema.

Xiddiga reer France ayaa seegay kulankii Real Madrid guusha ka gaadhay kooxda Real Valladolid kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zidnae Zidane ayaa sheegay ayaa sheegay in uuna khatar galin doonin xiddiga Karim Benzema kulanka Ataanta hadii uuna diyaar ahayn.

“Waxa aan eegi doonaa sida uu yahay”ayuu Zidna sheegay ciyaarta kadib.

“Kuuma sheegi doono waxa dhici doona”.

“Laakiin ma khatar galin doono hadii uuna taam ahayn, hadii uuna ciyaari karin, kuma jiri  doono kooxda”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE