Cesar Azpilicueta Oo Kashifay Qorshahay Ay Ku Joojinayaan Luis Suarez Kulanka Champions League.


Kabtanka Kooxda Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa kashifay qorshaha ay kooxdiisu u dajisatay joojinta Luis Suarez kulanka ay Blues la ciyaari doonto Atleltico Madrid kulanka champions League.

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta Atletico Madrid kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League kulan si weyn loo sugayo.

Cesar Azpilicueta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan u difaacan doonaa si koox ah, markii uu joogay Liverpool iyo Barcelona ayaan ka hor tagay, waxana aan ogahay tayadiisa waana weeraryahan fiican”.

“Laakiin waxa aan isku dayi doonaa in aan ka fogayno Goolkeena si uuna wax goolal ah nooga dhalin”ayuu sii raaciyay.

Luis Suarez ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Atletico Madrid isaga oo dhaliyay 16 gool horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE