Dhirbaaxo: Kulamada Uu Jordan Henderson Dhaawaca Uga Maqnaan Doon Liverpool Oo La Ogaaday.

Dhirbaaxo: Kulamada Uu Jordan Henderson Dhaawaca Uga Maqnaan Doon Liverpool Oo La Ogaaday.


Xaalka ayaa ku sii xumaaday kooxda Liverpool kadib markii la xaqiijiyay dhaawacii soo kaadhay kabtankeeda Jordan Henderson.

Jordan Henderson ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu dhaawac canqawga ah soo gaadhay isaga oo la ordaya kubada.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in uu xiddiga soo gaadhay dhaawac halis ah waliba uu xiddigu muddo dheer ka maqnaan karo garoomada.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo todobaadyo ah kadib dhaawacii soo gaadhay.

Jordan Henderson ayaa sidaas darteed seegi doona kulamo dhawr ah oo muhiim ah kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Everton ee premier League.

Kabtanka ayaa garoomada ka maqnaan doona waliba seegi doona ugu yaraan 5 kulan oo ay kooxda Liverpool ciyaari doonto wakhtiga soo socda.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu Jordan Henderson seegi doono kulmada  Sheffield United, Chelsea, Fulham, Wolves & RB Leipzig.


Source: laacibfm.com

SHARE