Hordhac: Atletico Madrid vs Chelsea: Labada Kooxood Oo Isku Dheeli Tiran Kulamada Waji-Ka Wajiga Ah.

Hordhac: Atletico Madrid vs Chelsea: Labada Kooxood Oo Isku Dheeli Tiran Kulamada Waji-Ka Wajiga Ah.


Kooxda Atletico Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Chelsea kulan adag oo ka tirsan wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.

Kulankan ayaa ka dhici doona garoon dhex-dhexaad ah iyada oo lagu ciyaari doono garoonka National Arena sabab la xidhiidha in aan xukuumada Spain ogolayn in la galo dalka.

Kulanka ayaa ah mid xiiso leh iyada oo taageerayaasha kubada cagtu si gaar ah isha ugu hayaan kulanka

labada kooxood dhexmari doona.


Kulanka: Atletico Madrid Vs Chelsea


Tartanka: Champions League


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: National Arena


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka tartamada yurub ee labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa ah kuwo isku dheeli tiran iyada oo koox walba badisay 2 kulan halka ay bar-baro galeen min 3 kulan.

Atletico Madrid ayaa badisay kulanka kaliya ee wareega bug baxa ah ee ay la ciyaartay Chelsea iyaga oo Semi-final-kii 2013/2014 garaacay Chelsea kulan labada lugood ku dhamaaday 3/1.

Kooxda Atletico Madrid ayaa gaadhay Wareega Bug Baxa champions League markii 7-aad 8-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay halka ay chelsea isku dayayso in ay dhaafto wareega 16-ka markii ugu horaysay tan ilaa 2013/2014.

Kooxda Chelsea ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee garaacda Atletico Madrid iyaga oo marti ah tartamada yurub iyaga oo garaacay bishii September 2018 kulankaas oo ahaa midkii ugu horeeyay ee garoonkooda Wanda Metropolitano kuna dhamaaday 2/1.


Source: laacibfm.com

SHARE