Kooxda Monaco Oo Fariin U Dirtay Barcelona Kadib Markii Ay Garaaceen PSG, Maxay U Sheegeen?


Kooxda Monaco ayaa garaacday kooxda PSG kulan ka tirsanaa horyaalka France 5 maalin kadib markii ay kooxda ka dhisan caasimadu garaacday kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa champions League.

Kooxda Monaco ayaa PSG ku garaacday garoonkeeda iyaga oo kaga badiyay 2/0 dushana u saaray guuldaro lama filaan ah horyaalka Ligue 1.

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartu kooxda Monaco ayaa fariin u dirtay kooxda Barcelona kuna digatay xilli ay qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-a.

Kooxda Monaco ayaa kooxda PSG garaacday labadii kulan ee horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan xilli ay PSG 4 dhibcood u jirto kaalinta 1-aad ee horyaalka.

Kooxda Monaco ayaa ciyaarta kadib soo qortay”Waxa aan PSG garaacnay labadii kulan ee xilli ciyaareedkan, Barcelona, hadii aad u baahantahay tallo ku saabsan sida loo garaaco PSG nala soo xidhiidh”.


Source: laacibfm.com

SHARE