Liverpool Oo Shaacisay Kulanka Uu Diogo Jota Ku Soo Laaban Doono Kooxda.

Liverpool Oo Shaacisay Kulanka Uu Diogo Jota Ku Soo Laaban Doono Kooxda.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay xiddiga Diogo Jota dib u hesho kulanka ay la ciyaari doonaan Chelsea todobaadka dambe horyaalka Premier League.

Diogo Jota ayaa ku soo laabanaya tababarka buuxa ee kooxda maalinta Salaasada waxana uu xiddigu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo uu muddo 3 bilood ku dhaw uga maqnaa garoomada.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uuna Ciyaarista kulamada ku soo laaban karin kulanka Sheffield United ee Axada maadama uuna helayn wakhti uu tababarka buuxa kooxda kula qaato.

Laakiin Liverpool ayaa aaminsan in uu Diogo Jota ku bilaaban karo kulanka adag ee ay Todobaadka dambe marti galin doonto kooxda Chelsea.

Warkan ayaa ah mid u fiican Jurgen Klopp marka loo eego in ay kooxdiisu ku dhibaatoonaysay dhanka weerarka xilli ciyaareedkan qaybtiisa dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE