Liverpool Oo Takumi Minamino U Adeegsanaysa Soo Xero Galinta Saxiixa Xiddig Uu Klopp Doonayo.

Liverpool Oo Takumi Minamino U Adeegsanaysa Soo Xero Galinta Saxiixa Xiddig Uu Klopp Doonayo.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddiga Takumi Minamino u adeegsato soo xero galinta xiddiga weerarka uga ciyaara Sevilla ee Lucas Ocampos.

Xiddiga Lucas Ocampos ayaa xilli ciyaareed isku jir ah ku qaadanaya kooxda Sevilla xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu bartilmaameed u yahay kooxo badan oo reer yurub ah.

Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga reer Argentine xilli uu Klopp doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa xagaaga.

Wargayska La Razon ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool diyaar u tahay in ay xiddiga Minamino u adeegsato soo xero galinta xiddiga Lucas Ocampos.


Source: laacibfm.com

SHARE