Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Rob Holding Kadib Dhaawacii Kulankii Man City.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Rob Holding kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Man City.

Xiddiga Rob Holding ayaa dhaawacmay kadib markii ay isku dheceen xiddig man City ah waxana laga saaray ciyaarta daqiiqadii 82-aad.

Mikel Arteta oo ka hadlaya xaalka xiddiga ayaa yidhi”Waxa aan la xidhiidhnay waaxda caafimaadka waxana ay noo sheegeen in aan badalno”.

“Kadib waxa aan go’aansanay in aan badalno maadama uuna sii wadi karin ciyaarta”.

“Waxa ay ii sheegeen in uu ka dhaawacmay madaxa sidaas darteed uu maalmo garoomada ka maqnaan doono”.


Source: laacibfm.com

SHARE