Nicolas Pepe Oo Kashifay Dhibaatadii Arsenal Haystay Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulmeen Man City.

Nicolas Pepe Oo Kashifay Dhibaatadii Arsenal Haystay Kulankii Ay Guuldarada Kala Kulmeen Man City.


Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe ayaa sheegay in halka dhibaato ee ay Arsenal qabtay kulankii Man City in ay ahayd in ayna diirada saarin ciyaarta bilowgeedii.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa dhaliyay gool deg-deg ah iyada oo uu goolkaas kaga filnaaday in ay guul 1/0 ah kaga badiso kooxda Arsenal.

Dhanka kale Arsenal ayaan samayn fursado badan oo ay gool kaga dhalin karto kooxda Man City iyaga oo hal laad la helay goolka.

“Waxa aan ku dhibaatoonay in aanan diirada saarin kulanka waana in aan arintaas saxno”ayuu Pep u sheegay RMC Sport.

“Waxa aan dhankeena helnay fursado aan ku dhalino gool laakiin si fiican umaanu qaadan”.

“Kulanka waxa jiray kaliya Hal kulan wax intaas ka dambeeyay ma jirin”.


Source: laacibfm.com

SHARE