Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim Ah Oo Seegi Doona Kulanka Atletico Madrid.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee daafaciisa Thiago Silva ka hor kulanka Atletico Madrid ee champions League.

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Atletico Madrid lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.

Daafaca Thiago Silva ayaa dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Tottenham ee horyaalka Premier League.

Thomas Tuchel Oo Arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Thiago Wuu seegi doonaa kulanka Atletico Madrid maadama uuna wali taam u ahayn in uu ku bilowdo kulanka”.


Source: laacibfm.com

SHARE