“Wali Horyaalka Kumaad Guulaysan”:-Solskjaer Oo Hanjabaad Ku Aadan Horyaalka U Diray Man City


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa fariin adag u diray kooxda Man City isaga oo sheegay in ayna Man United wali ka hadhin tartanka loogu jiro horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa guul ka gaadhay kooxda Newcastle United kula ka tirsnaa todobaadkii 25-aad xilli ay Man United haatan 10 dhibcood ka horayso Man City.

Inkasta oo ay Man City 10 dhibcood ku horayso hadana Solskjaer ayaa sheegay in ay kooxdiisu wali ku jirto tartanka horyaalka Premier League.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma odhan karo Man City wali way ku guulaystay horyaalka Premier League sababta oo ah wali ciyaaro ayaa hadhay”.

“Kaliya waxa aan qiran karnaa in aanan ku guulaysan karin horyaalka marka uu horyaalku dhamado”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE