Akhristayaasha Wargayska MARCA Oo U Codeeyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan.


Kooxda Atletico Madrid ayaa lumisay 5 dhibcood 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Akhristayaasha wargayska MARCA ayaana Kooxda Real Madrid u saadaaliyay ku guulaysiga La Liga xilli ciyaareedkan.

Ku dhawaad 50% Akhristayaashii ka qayb qaatay codaynta ayaa kooxda Real Madrid u codeeyay in ay ku guulaysan doonto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa gaadhay 4 guul oo xidhiidh ah iyaga oo dhaafay kooxaha Huesca, Getafe, Valencia & Real Valladolid iyaga oo dib u shiday tartanka horyaalka.

Dhanka kale 34% waxa ay u codeeyeen in ay Atletico Madrid ku guulaysan doonto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib sida fiican ee ay ku bilaabatay.

Akhristayaasha ayaa 9% u codeeyay in ay Sevilla ku guulaysan doonto horyaalka halka ay 7% u codeeyeen kooxda Barcelona.


Source: laacibfm.com

SHARE