Arsenal Oo Saxiixa Xiddig U Ciyaara Barcelona U Adeegsanaysa Hector Bellerin


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Junior Firpo waliba ay xiddiga Hector Bellerin u isticmaali doonto in ay hesho xiddiga xagaaga.

Gunners ayaa la sheegayaa in ay ku fashilantay heshiis amaah ah oo ay ku doonaysay Junior Firpo suuqii January.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa doonaya in uu isgaa tago kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa xagaaga wargayska Football London ayaana sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta diyaar u yahay in uu Hector Bellerin ku daro heshiiska uu ku doonayo saxiixa xiddiga Junior Firpo.

Arteta ayaa ka war qaba xiisaha wakhtiga fog ee ay Arsenal u qabto saxiixa xiddiga Hector Bellerin sidaas darteed waxa uu u soo bandhigi doonaa xiddiga reer Spain si ay badalkiisa u helaan xiddiga Junior Firpo.


Source: laacibfm.com

SHARE