Hector Bellerin Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal, Maxaa Cusub?


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Arsenal xilli uu xiiso ka helayo kooxda PSG.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa joogay Arsenal tan ilaa markii uu isaga oo 16 jir ah kooxda kaga soo biiray Barcelona waxana uu sanadihii ugu dambeeyay kooxda ka noqday xiddig muhiim ah.

Si kasta ha ahaatee CBS Sport ayaa sheegaysa in uu Bellerin doonayo in uu tartan kale ciyaaro waliba diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda Arsenal xagaaga.

Tababaraha kooxda PSG oo ahaa tababarihii hore ee kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa la rumaysanyahay in uu taageere u yahay xiddiga reer Spain.

Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u muujisay saxiixa xiddiga sanadihii ugu dambeeyay kuwaas oo dhankooda u dhaqaaqi doona saxiixiisa hadii uu isaga tago kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE