Hordhac: Borussia Monchengladbach Vs Man City : Hantiilayaasha Xilli Ciyaareedkii 8-aad Is Xiga Ayay Waregga Bug-baxda Soo Gaarayaan

Hordhac: Borussia Monchengladbach Vs Man City : Hantiilayaasha Xilli Ciyaareedkii 8-aad Is Xiga Ayay Waregga Bug-baxda Soo Gaarayaan


Man City ayaa kulan adag oo wareegga 16-ka Champion-ka ah waxa ay la ciyaarayaan Borussia Monchengladbach , waxa ayna kulankaas galayaan iyadoo hogaanka horyaalka Ingiriiska ay hayaan

Xogta Kulanka

* Borussia Monchengladbach iyo Man City ayaa iska hor imaanaya markii todobaad.

* Man City kuma aysan hor kufin kooxda reer Jarmal iyadoo champion-ka la joogo , sedex jeer waa badiyeen halka hal jeerna ay galeen bar bar dhac .

* Sidaas oo ay yahay kulankoodii hore ee wareegga bug baxda waxaa badisay kooxda reer Jarmal oo City ku garaacday 4/2 .

* Man City waxa ay wareegga bug baxda Champion-ka soo gaareen xilli ciyaareedkii 8-aad ee is xiga halka sidoo kale ay bartilmeysanayaan in quater finalka soo gaaraan markii afaraad oo toos ah .

* Borussia Monchengladbach waxa ay badiyeen kaliya laba kulan oo garoonkooda ah ka dib 9 kulan oo champion-ka ah , 4 guul ah iyo sedex qasaro ayay wataan


Source: laacibfm.com

SHARE