Ku Biiristii Antoine Griezmann Ee Barcelona Waxa Ay Ahayd Khalad Weyn.


Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Jeremy Mathieu ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu Antoine Griezmann isaga tago Atletico Madrid kuna biiro Barcelona.

Daafaca ayaa sheegay in uun Antoine Griezmann ahayn sidii uu ahaa markii uu joogay kooxda Atletico Madrid.

Jeremy Mathieu oo Barcelona u soo ciyaaray ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu Antoine Griezmann 18 bilood ka hor ku biiro Barcelona.

Antoine Griezmann ayaa 120 milyan oo euro ugu biiray Barcelona xagaagii 2019 waxana la filayay in uu weerar halis ah la dhiso xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez oo xagaagii ku biiray Atletico Madrid.

Laakiin tan ilaa markii uu xiddiga 29 jirka ah ku biiray Barcelona waxa hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa.

“Antoine Griezmann kuma jiro heerkii uu ku jiray markii uu joogay Atletico Madrid”ayuu Mathieu u sheegay RAC1.

“Shaqsi ahaan waxa ay ahayd khalad weyn in uu Antoine Griezmann ku biiro Barcelona”.

“Atletico Madrid waxa uu ka ahaa xiddig muhiim ah laakiin uma malaynayo in uu muhiim ka yahay Barcelona”.


Source: laacibfm.com

SHARE