Lacagta Ay Chelsea Miiska U Saari Doonto Tababare Thomas Tuchel Si Uu Kooxda Ugu Xoojiyo Xagaaga Oo La Ogaaday.


Milkiilaha kooxda chelsea ee Roman Abramovich ayaa lagu soo waramayaa in uu taageeri doono taabare Thomas Tuchel marka la gaadho suuqa xagaaga isaga oo miiska u saari doona lacag dhan 260 milyan oo euro oo uu suuqa ku galo.

Blues ayaa ka mid ah waliba hogaaminaysa kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa xagaagii hore iyaga oo sameeyay saxiixyo ku kacaya lacag ka badna 200 oo milyan kulana soo saxiixday  Kai Havertz, Timo Werner, Ben Chilwell, Hakim Ziyech & Edouard Mendy.

Laakiin Lacagtaas ayaan chelsea ka caawinin ay ku tartanto horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo shaqada laga caydhiyay Lambard laguna badalay Tuchel.

Tababarihii hore ee kooxda PSG Thomas Tuchel ayaa si fiican ku bilowday noloshiisa Stamford Bridge, wargayska Tuttomercatoweb ayaana sheegaya in milkiilaha Chelsea uu garab istaagi doono tababaraha waliba siin doono lacag fiican oo uu ku xoojiyo kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE