Man City Oo Kaligeed Ka Dhibco Badan Isku Darka Dhibcaha Arsenal, Liverpool & Tottenham Sanadka 2021.


Kooxda Man City ayaa sii muujisay in ay ka fiicantahay kooxaha kale ee Premier League markii ay garaacday kooxda Arsenal Axadii kulan ka tirsanaa premier League.

Kadib guushaas kooxda Man City ayaa ka dhibco badan kooxaha ugu waaweyn Premier league ee Arsenal, Tottenham iyo Liveprool oo la isku daray ilaa haatan sanadka 2021.

Kooxda Man City ayaa ilaa haatan sanadka 2021 heshay 33 dhibcood Premier League iyaga oo ciyaaray 11 kulan tan ilaa bilowgii sanadka cusub.

Arsenal ayaa kaliya 14 dhibcood ka heshay 9 kulan oo ay ciyaartay ilaa haatan sanadka halka ay Tottenham 10 dhibcood ka heshay 9 kulan oo ay ciyaartay sanadka 2021.

Ugu dambayn kooxda Liverpool oo si weyn u dhibaatoonaysa sanadka 2021 ayaa ciyaartay 9 kulan waxana ay heshay kaliya 7 dhibcood.

Sidaas darteed kooxaha Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa ilaa haatan sanadkan helay 31 dhibcood marka la isku daro dhibcohooda waxana ay laba dhibcood ka hooseeyaan kooxda Man City kaligeeda oo heshay ilaa haatan 33 dhibcood.


Source: laacibfm.com

SHARE