Mino Raiola: 10 Koox Kaliya Ayaa Awood U Leh Saxiixa Erlinga Haaland.

Mino Raiola: 10 Koox Kaliya Ayaa Awood U Leh Saxiixa Erlinga Haaland.


Wakiilka xiddiga Erling Haaland ee Mino Raiola ayaa shegay in ay jirto kaliya 10 koox oo awood u leh in ay la soo saxiixdaan xiddiga Erling Haaland inkasta oo uuna magacaabin kooxaha ay yihiin.

Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo soo jiitay indhaha kooxo waaweyn oo ka dhisan qaarada yurub.

Mino Raiola oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”Dadka oo dhaw waxa ay Erling Haaland u arkaan in uu yahay xiddig mustaqbalka ah sababta oo ah way adagtahay in ay cid qabato waxa uu qabanayo iyo da’da uu jiro”.

“Waxa jirta 10 koox oo awood u leh in ay la soo saxiixdaan Erling Haaland waliba bixin kara mushaharka uu dalbanayo”.

“4 kooxahaas ka mid ah waa kuwo ka ciyaara Premier League sababta oo ah waxa ay ogyihiin in uu Haaland noqon doono xiddig weyn mustaqbalka dhaw”.


Source: laacibfm.com

SHARE