Paul Merson Oo Saadaaliyay Halka ay Kooxaha Man Utd, Liverpool & Chelsea Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League Xilli Ciyaareedkan.


Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sameeyay saadaashiisa kooxaha ku dhamaysan doonta 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Paul Merson ayaa Liverpool u saadaaliyay in ay Chelsea ku garaaci doonto ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa haatan 10 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League Merson ayaana sheegay in ayna jirin koox soo qaban karta City xilli ciyaareedkan.

Kooxda Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 2-aad waxana uu Merson saadaaliyay in ay United ku dhamaysan doonto horyaalka kaalintaas xilli ay Leicester City kaalinta 3-aad ku dhamaysan doonto.

Kooxda West Ham ayaa ku jirta kaalinta 4-aad halka ay chelsea ku jirto kaalinta 5-aad sidoo kale Liverpool ku jirto kaalinta 6-aad.

Laakiin Merson ayaa saadaaliyay in ay West Ham hoos u soo dhaadhici doonto waliba Liverpool gali doonto kaalinta 4-aad xilli ay chelsea seegi doonto booska champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Sida iska cad City ayaa ku guulaysan doonta horyaalka”ayuu Merson u sheegay Sky Sport.

“Kooxaha kale ee ku xiga ayaa noqon doona Man United iyo Leicester City oo qaab ciyaareed fiican ku jira”.

“Intaas kadib inkasta oo ay West Ham ku jirto qaab ciyaareed fiican hadana waxa ay hoos uga soo dhici doontaa kaalmaha ugu sareeya”.

“Aniga ahaan kaalinta 4-aad waxa ku dagaalami doona chelsea iyo Liverpool waxana xilli ciyaareedka kaalinta 4-aad ku dhamaysan doona Liverpool”.


Source: laacibfm.com

SHARE