Real Madrid Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Sergio Ramos Ka Soo Laaban Doono Dhaawaca.

Real Madrid Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Sergio Ramos Ka Soo Laaban Doono Dhaawaca.


Wargayska AS ayaa Kashifay Wakhtiga Ay Real Madrid shaacisay in uu Kabtankooda Sergio Ramos ku soo laaban doono garoomada iyo ciyaarista kulamada kooxda.

Sergio Ramos ayaa haatan kooxda uga maqan dhaawac kadib markii qaliin lagu sameeyay xilli uu ku dhawaa in uu ku soo laabto garoomada.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid shaacisay in uu kabtnakeedu garoomada ku soo laaban doono 13 bisha March ee soo socota.

Sidaas darteed Ramos ayaa diyaar u noqon doona kulanka ay Los Blancos la ciyaari doonto kooxda Elche horyaalka La Liga.

Sidoo kale hadii uu xiddigu ku socdo wadada ka soo kabsashada ee haatan waxa uu ka qayb qadan doonaa kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE