Shaxda Laga Yaabo In Ay Chelsea Kaga Hor Tagto Atletico Madrid.


Thomas Tuchel ayaa samayn doona go’aano adag marka ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan champions League.

Tababaraha Blues ayaan wax guuldaro ah la kulmin intii uu hogaaminyay chelsea waxana uu mari doonaa Tijaabadiisii ugu horaysay isaga oo markii ugu horaysay ka hor iman doona koox weyn tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Xiddiga Callum Hudson ayaa ciyaaray intii uu Tuchel tababaraha u ahaa kooxda chelsea laakiin xiddiga 20 jirka ah ayaa la filayaa in uu seego shaxda kooxda kulanka Atletico Madrid kadib ceebtii Sabtidii.

Tababare Tuchel ayaa ceebaystay xiddiga da’yarka ah isaga oo kaliya 30 daqiiqo ciyaarsiiyay ka hor inta uuna badal ku samayn kulankii Southampton.

Wargayska The Sun ayaa saadaaliyay in uu Thomas Tuchel kaydka dhigi doono xiddiga da’yarka ah kulanka Atletico Madrid kadib markii uuna ku qancin qaab ciyaareedkiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE