Tottenham Oo 12 Cesho U Qabatay Tababare Mourinho , Badalkisa Ayay Durba La Xariireen

Tottenham Oo 12 Cesho U Qabatay Tababare Mourinho , Badalkisa Ayay Durba La Xariireen


Ka dib natiijooyin liita oo soo wajahay Totenham , waxaa haaatan la halis gilinayaa mustaqbalka macalin Jose Mourinho ee qalcadda White Hart Lane .

Tottenham ayaa ka sheeganeysay dhawaanaaan natiijooyin liita oo keenay in booska 7-aad u dhaadhacaan

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in Tottenham ay isha ku hayaan macalinka kooxda Leipzig ee Julian Nagelsmann haddii Jose uusan wax ka badalin xaaladda kooxda todobaadyada soo socda.

Waxa uu wargeyskaas sheegayaa in Mourinho uu haysto 12 maalin oo uu isku bad baadin karo waxa ayna kooxda ka dib qaadaneysaa go`aanka la xariira mustaqbalkiisa.

Sidaas oo ay tahay Julian Nagelsmann ayaan loo badineyn in uu kooxdaas ka tagayo xilli ciyaareedka oo socda ,waxa ayna Tottenham ku qasbanaanayaan in ay sugaan inta xilli ciyareedka uu ka dhamaanayo.

Kulamada ugu soo horeeya horyaalka ee Fulham iyo Crystal Palace ayaa lagu ogaan doonaa sida uu noqonayo mustaqbalka Jose


Source: laacibfm.com

SHARE