Xiddig U Ciyaara Monaco Oo Xaqiijiyay In Uu Iska Diiday Man United


Xiddiga Monaco Benoit Badiashile ayaa sheegay inuusan ka shalaynayn inuu iska diiday ku biirista Manchester United xagaagii lasoo dhaafay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xagaagii doonayay in uu la soo saxiixdo daafac dhexe oo uu ka garab ciyaarsiiyo Harry Maguire waxana uu doonayay daafaca kooxda Monaco ee Benoit Badiashile.

United ayaa la soo saxiixatay Donny van de Beek, Edinson Cavani, Amad Diallo iyo Alex Telles xagaagii hore laakiin Solskjaer ayaa ku fashilmay in uu la soo saxiixdo daafac dhexe xagaagii.

Laakiin kooxda Man United ayaa isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Monaco ee Benoit Badiashile laakiin xiddiga reer France ayaa iska diiday in uu ku biiro Red Devils.

“Waxa uu ahaa go’aan sax ah, ugu horayn waxa aan ku raaxaystay u ciyaarista Monaco tan ilaa markii aan ku soo biiray”ayuu Benoit Badiashile u sheegay RMC.

“Kama shalaynayo in aan iska diiday kooxda Man United sababta oo ah wali waxa aan ahay xiddig da’yar ah”.


Source: laacibfm.com

SHARE