Arsenal Oo Hector Bellerin U Adeegsanaysa Saxiixa Xiddig PSG Baxsad Ka Ah.

Arsenal Oo Hector Bellerin U Adeegsanaysa Saxiixa Xiddig PSG Baxsad Ka Ah.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Julian Draxler isaga oo xitaa diyaar u ah in uu heshiiska ku daro xiddiga Hector Bellerin.

Bellerin ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Emirates Staduim ku ciyaarta iyada oo kooxda PSG tahay kooxda ugu cad-cad ee doonaysa saxiixa xiddiga.

Saxafiga Duncan Castles ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta diyaar u yahay in uu Bellerin u ogolaado in uu ku biiro kooxda PSG si uu u helo saxiixa xiddiga Draxler.

Heshiiska Draxler ee kooxda PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin kooxda PSG ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga si uuna xor uga tagin kooxda.

Draxler ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda PSG waxana uu kaydka u fadhiyaa kooxda inta badan kulamada ay ciyaarto.


Source: laacibfm.com

SHARE