Da’yarkii Man United Badalka Ugu Soo Galay Kulankii Newcastle Ee Shola Shoretire Oo Sabab La Yaab Leh Looga Caydhiyay Man City Markii Uu 10 Sano Jiray.

Da’yarkii Man United Badalka Ugu Soo Galay Kulankii Newcastle Ee Shola Shoretire Oo Sabab La Yaab Leh Looga Caydhiyay Man City Markii Uu 10 Sano Jiray.


Xiddiga da’yarka ah ee Shola Shoretire ayaa si weyn loo hadal ahayaa tan ilaa markii uu badalka ku soo galay kulankii ay Man United guusha ka gaadhay Newcastle Todobaadkii hore.

Xiddiga Shola Shoretire oo 17 jir ah ayaa hal daqiiqo ciyaaray kulankaas laakiin waxa uu haystaa kalsoonida tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin xiddiga Shola Shoretire ayaa u soo ciyaaray kooxda ay Man United ku xafiiltamaan magaalada Manchester ee Man City ka hor intii ayna iska caydhin xiddiga isaga oo 10 sano jir ah.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man City iska caydhisay xiddiga markii uu 10 sano jiray sabab la xidhiidha jacayl uu u qabo kooxda Barcelona.

Xiddiga da’yarka ah ayaa xitaa tababar la qaatay kooxda Barcelona xilli uu qoyskiisa Fasax kula joogay Spain taas oo ayna maamulka Man City ogayn markii hore.

Kadib markii ay kooxda Man City ogaatay arinta waxa ay go’aansatay in ay iska fasaxdo xiddiga oo ayna ku sii haysan akademiyada kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE