Jurgen Klopp Oo Liverpool Ku Qaadanaya Bilihiisii Ugu Dambeeyay, Maxaa Cusub?

Jurgen Klopp Oo Liverpool Ku Qaadanaya Bilihiisii Ugu Dambeeyay, Maxaa Cusub?


Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgn Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono Liverpool xagaaga 2022 si uu tababare ugu noqdo xulka qarankiisa Germnay sida uu sheegay wargayska Bild.

Tababaraha 53 jirka ah ayaa todobaadkii hore xaqiijiyay in uuna wax qorshe ah u hayn ka tagista Liverpool wakhti dhaw inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu tababaruhu isaga tagayo kooxda.

Laakkin wararkaas ayaan joogsan wargayska reer Germany ee Bild ayaana haatan sheegay in uu tababaruhu xagaaga 2022 isaga tagi doono kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay jirto 68% fursad ah in uu Klopp tababare u noqon doono xulka qaranka Germany kadib koobka adduunka ee 2022.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu Klopp xagaaga 2022 isaga tagi doono Liverpool kadib qaadan doono 6 bilood oo Nasasho ah ka hor inta uuna bilowga 2023 la wareegin tababarka xulka qaranka Germany.


Source: laacibfm.com

SHARE